Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdifitaax Al-sisiga Masar oo Farmaajo Ka Dalbaday Inuu Dhexgalo Qaahira iyo Adis Ababa

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-sisi ayaa qoraal axaddii la soo gaarsiiyey dhiggiisa Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku dalbaday inuu dhexgalo isaga iyo ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, kalana shaqeeyo xal u helista  arrinta biyo-xireenka ay dhiseyso Itoobiya.

Kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda Masar ee arrimaha Afrika Abuubakar Xifni Maxamuud oo warqadda u keenay madaxweyne Farmaajo ayaa wareysi gaar ah uu siiyey Goobjoog News ku sheegay sida Masar ay ugu hanweyn tahay in madaxweyne Farmaajo oo ka faa’ideysanaya saxiibtinnimadiisa labada dhinac uu arrintan ka shaqeyn karo isu soo dhowaanshiyaha.

Abuubakar Xifni Maxamuud oo arrintan ka hadalaya waxaa uu yiri “Soomaaliya waa dal muhiim ah, siyaado iyo miisaan leh, xiriir fiican la leh labada dhinac, waxaan hubaa in madaxweyne Farmaajo oo ka faa’ideysanaya xiriirkiisa saaxiibtinnimo ee ra’isul wasaare Abiy uu xal u helista biyo-xireenka qeyb ka noqon karo, Masar-na saacidi karo”.

Safiir Xifni oo sidoo kale ka hadlayey ahmiyadda webiga Nile-ka u leeyahay Masar waxaa uu yiri “Webiga Nile waxaa ku tiirsan biyo ahaan 97% dadka Masar, dalkeenna ma jirayo Nile la’aantiis, waa amni qaran, haddii dhibaato soo gaarto waxaa shaqo la’aan noqon doona 4 Milyan oo qof, inta kalena biyo la’aan iyo harraad”.

Cadaadiska ay Masar waddo waxaa uu imaanayaa iyada oo Itoobiya ay iska diiday heshiis uu Mareykanka garwadeen ka ahaa oo la doonayey in xal looga gaaro arrinta biyo-xireenka Itoobiya iyada oo sheegtay in la cadaadiyey taasina ay tahay gardarro. Adis Ababa waxaa ay dooneysaa in dhaamiso biyo-xireeda  sida ugu dhaqsiyaha badan si ay dhaqaale ahaan uga faa’ideysato halka Qaahira ay cabsi ka qabto in howshaasi ay saameyn ku yeelan-doonto xisabada biyaha ee gaara dalkeeda.

Dhinaca kale, mar safiir Abuubakar Xifni Maxamuud uu ka hadlayey xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Masar waxaa uu ku dheraaday sooyaalka xiriirka labada dhinac tan iyo faraacinadii, xuriyadda kar iyo kadibba isaga oo intaas raaciyey hadda ay ka taageeraan tababarka ciidanka, waxbarasho gudaha iyo deeqo waxbarasho ah iyada oo 6 bil gudaheed Muqdisho lagu furi doonno Bank Masr oo wax badan ka tari-doonna maalgeshiga iyo ceyrta.

Kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda Masar ee arrimaha Afrika Abuubakar Xifni Maxamuud oo safarkan u ahaa midkii 3-aad ee uu Muqdisho ku yimaado waxaa uu carabta ku dhiftay in Masar ka go’antahay ilaalinta midnimada Soomaaliya” Masar waxaa ay la tacaamushaa uun dowladda dhexe, waxayna mar walbo ilaalisaa midnimada iyo wadajirka Soomaaliya dhul iyo dad ahaaneed”.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this