Sign in to follow this  
Deeq A.

Ingiriiska Oo Karantiilaya Dadka Da’doodu Ay Ka Weeyntahay 70 Sanno

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Wasiirka Caafimaadka Dowladda Ingiriiska ayaa sheegay in tallaabooyinkaan lagu karaan tiilayo dadka da’dooda ay ka sarreeyso 70 sanno la qaadayo toddobaadyo gudahood si looga bad baadiyo xanuunka Coronavirus.

Waxa uu intaa ku daray in tallaabooyinkan ay yihiin kuwo adag oo dhib badan haddana lagu qasban yahay si loo bad baadiyo dadkaasi da’da ah.

Dowladda Ingiriiska ayaa cadaadis ballaadhan la kulmeeyso si ay u qaaddo tallaabooyin dheeraad ah iyada oo la  xakameeynayo faafista xanuunka Corona oo hadda ay u geeriyoodeen  21 qof oo Muwaadiniin British ah, kuwaa oo dhammaan da’dooda ay ka sarreeysay 60 sanno.

IMG-20200315-WA0001-660x430-1.jpg

Xaaladdan ayaa ka dhigan in qof walba aanu ka soo bixin gurigiisa , xitaa kuwa raashinka guryaha geeyaa ay albaabada dhigaan wixii adeeg ah oo ayna gudaha u galin guryaha.

Tallaabadan ayaa immaaneeysa wakhti Culimada caafimaadka ingiriiska ay cambaareeyeen hannaanka Xukuumadda u wajaheeyso Cudurka Corona Virus, waxa ayna ku booriyeen inay qaaddo tallaabooyin dheeri ah si loo xakameeyo COVID19.

Tirda guud ee dadka laga helay xanuunkaan dalka ingiriiska waxa ay gaadhayaan 1,140, waxaana la baadhay dad gaadhaya 37,746 qof.

Ra’iisul Wasaarada Ingiriiska ayaa ka dalban doona shirkadaha dalka ingiriiska in ay ku biiraan Gurmadka qaran ee hadda soconaya si looga hortago Xanuunkaan sida ba’an u faafa ee Coronavirus.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this