Deeq A. Posted March 16, 2020 Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay si nabdoon kula wareegay gacan ku heynta deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose, kadib markii ay faarujiyeen dagaalyahannada Al-Shabaab oo muddo 10 sano ah ku sugnaa deegaankaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in ciidamadu ay gudaha u galeen Janaale, islamarkaana ay ka bilaabeen dhaq dhaqaaqyo cusub. Cabdi Cali oo ka mid ah saraakiisha ciidanka dowladda ayaa faah faahin ka bixiyey howlgalkaasi iyo dhaq dhaqaayada milatari ee ay ka wadaan halkaasi. Sidoo kale wuxuu sheegay in la wareegitaanka deegaankaan ay muhiimad gaar ah u leedaya ciidanka dowladda iyo maamulka gobolka Sh/Hoose. Halkaan hoose ka dhageyso. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/hh.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites