Deeq A. Posted March 15, 2020 Muqdisho (SMN) – Hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegtay in Amiirka Al-Shabaab uu la wareegay maamulka Amniyaatka gobolka Banaadir. Qoraal lasoo dhigay barta mareegta Twitter-ka ku leedahay NISA ayaa lagu shaaciyey sababta ka dambeysa arrintaas. “Horjoogaha Maafiyada AS Axmed Diiriye ayaa si toos ah ula wareegay Amniyaatka ( Qaraxyada) G-Banaadir, kadib markii uu gadood ka dhashay shirqoolkii lagu dilay Muuse Macalin, iyadoo ay sii korodhay Horjoogayaasha kale ee diidan beegsiga Joogtada ah ee Muqdisho,” ayaa lagu yiri. Horjoogaha Maafiyada AS Axmed Diiriye ayaa si toos ah ula wareegay Amniyaatka ( Qaraxyada) G-Banaadir, kadib markii uu gadood ka dhashay shirqoolkii lagu dilay Muuse Macalin, iyadoo ay sii korodhay Horjoogayaasha kale ee diidan beegsiga Joogtada ah ee Muqdisho. — NISA (@HSNQ_NISA) March 15, 2020 Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashadaan oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites