Deeq A. Posted March 15, 2020 Jowhar (SMN) – Madaxweynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa maanta dib ugu laabtay Jowhar, caasimadda maamulkaas. Waare, oo soo dhaweynta kadib la kulmay labada gole ee dowlad goboleedkaas, ayaa amar kusoo rogay xubnaha golahiisa wasiirada. Daa’uud Xaaji Cirro, afhayeenka Waare oo wariyeyaasha la hadlay, ayaa tibaaxay in loo yeray wasiiradda aan fasaxa haysan. Wuxuu intaas ku daray in lagu amray in ay si deg-deg ah kusoo gaaraan magaala madaxda si ay ugu biiraan shirarka Xukuumadda. Ugu dambeyntii, wuxuu tibaaxay in madaxweynuhu rajeeyay in wasiiradda ay ajiibi doonan fariintaas oo qeyb ka ah isla xisaabtanka, siddu yiri. View the full article Share this post Link to post Share on other sites