Sign in to follow this  
Deeq A.

Waare oo fariin u diray wasiiradda HirShabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (SMN) – Madaxweynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa maanta dib ugu laabtay Jowhar, caasimadda maamulkaas.

Waare, oo soo dhaweynta kadib la kulmay labada gole ee dowlad goboleedkaas, ayaa amar kusoo rogay xubnaha golahiisa wasiirada.

Daa’uud Xaaji Cirro, afhayeenka Waare oo wariyeyaasha la hadlay, ayaa tibaaxay in loo yeray wasiiradda aan fasaxa haysan.

Wuxuu intaas ku daray in lagu amray in ay si deg-deg ah kusoo gaaraan magaala madaxda si ay ugu biiraan shirarka Xukuumadda.

Ugu dambeyntii, wuxuu tibaaxay in madaxweynuhu rajeeyay in wasiiradda ay ajiibi doonan fariintaas oo qeyb ka ah isla xisaabtanka, siddu yiri.

Image may contain: one or more people, people standing and outdoorImage may contain: one or more people, people standing, sky, cloud and outdoorImage may contain: 4 people, people standing and outdoor

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this