Sign in to follow this  
Deeq A.

Kiisas Cusub Oo Cudurka Coronavirus Oo Laga Helay Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-War hadda soo dhacay ayaa waxaa uu sheegayaa in gudaha  dalka Kenya laga helay laba qof oo qaba Cudurka halista ee Coronavirus, kaasi oo dunida kusii faafaya.

Tirada dadka laga helay Coronavirus ee dalka Kenya ayaa haatan mareysa 3 qof, kadib markii Jimcihii lasoo dhaafay laga helay Haweeney Kenyaan ah oo ka timid dalka Mareykanka.

Dhinaca kale Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo Goor-dhaweyd warbaahinta la hadlay ayaa ku dhawaaqay go’aano cusub oo ku socda bahda Waxbarashada dalkaas.

Kenya ayaa sidoo kale joojisay duulimaadyada dadka ka imanaya iyo kuwa u socda wadamada uu saameeyay Corono, wuxuua dadkiisa ugu baaqay iney guriga isku karan tiilaan walow ayna dowladda Soomaaliya wali joojin Jaadka ka imaada Kenya.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay in la xidho dhamaan iskuulada iyo Jaamacadaha ku yaalla dalkaas, wuxuuna sababta ku sheegay inay tahay cabsi laga qabo inuu sii faafo Cudurka Coronavirus.

Corova-1-696x430-1.jpg

Cudurka Coronavirus ayaa haatan kusii faafay dalal badan oo ku yaalla Caalamka, waxaana u dhintay in ka badan 5,000 oo qof, halka kumanaan kalena uu soo ritay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this