Deeq A. Posted March 15, 2020 (SLT-Nairobi)-War hadda soo dhacay ayaa waxaa uu sheegayaa in gudaha dalka Kenya laga helay laba qof oo qaba Cudurka halista ee Coronavirus, kaasi oo dunida kusii faafaya. Tirada dadka laga helay Coronavirus ee dalka Kenya ayaa haatan mareysa 3 qof, kadib markii Jimcihii lasoo dhaafay laga helay Haweeney Kenyaan ah oo ka timid dalka Mareykanka. Dhinaca kale Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo Goor-dhaweyd warbaahinta la hadlay ayaa ku dhawaaqay go’aano cusub oo ku socda bahda Waxbarashada dalkaas. Kenya ayaa sidoo kale joojisay duulimaadyada dadka ka imanaya iyo kuwa u socda wadamada uu saameeyay Corono, wuxuua dadkiisa ugu baaqay iney guriga isku karan tiilaan walow ayna dowladda Soomaaliya wali joojin Jaadka ka imaada Kenya. Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay in la xidho dhamaan iskuulada iyo Jaamacadaha ku yaalla dalkaas, wuxuuna sababta ku sheegay inay tahay cabsi laga qabo inuu sii faafo Cudurka Coronavirus. Cudurka Coronavirus ayaa haatan kusii faafay dalal badan oo ku yaalla Caalamka, waxaana u dhintay in ka badan 5,000 oo qof, halka kumanaan kalena uu soo ritay. Source Share this post Link to post Share on other sites