Deeq A. Posted March 15, 2020 War qoraal ah oo ka soo baxay hay’adda duulista rayidka ayaa waxaa Soomaaliya looga mamnuucay inay yimaadaan muwaadiniinta illaa afar dal. Dalalka laga mamnuucay Soomaaliya ayaa waxay kala yihiin Shiinaha, Koonfur-Kuuriya, Taliyaaniga iyo Iiraan oo uu dhammaantood fara ba’an uu ku hayo Coronavirus. Sidookale hay’adaha ka shaqeeya duulimaadyada iyo dhamaan shaqaalaha ka howlgala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa lagu amray in ay la soo wadaagaan hay’ada duulista rayidka Soomaaliya, hadii ay rakaabka ugu shakiyaan caabuqa Corona. Dowlada Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta ka hortaga xanuunka Corona, kadib markii dalalka Kenya iyo Itoobiya laga helay kiisas la xariira cudurkaasi. Halkaan hoose ka akhriso: View the full article Share this post Link to post Share on other sites