Deeq A. Posted March 15, 2020 Wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa kulan la qaatay guddoomiyaha golaha nabadda iyo ammaanka ee Midowga Africa, Ismail Chergui. James Swan iyo guddoomiyaha guddiga nabadda iyo ammaanka ee Midowga Africa ayaa ugu horreyn ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya. Sidoo kale labada dhinac ayaa isla soo hadal qaaday arrimo ku aadan doorashooyinka soo socda ee la filayo in la qabto sanadka 2021-ka. Labada mas’uul ayaa sidoo kale boggaadiyey dadaallada ay wado dowladda federaalka iyo horumarka laga gaaray dhinaca siyaasadda. Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa dowladda federaalka ka taageera dhinacyo kala duwan oo muhiim ah, sida dib u dhiska ciidamada iyo ammaanka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites