Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag dil ka geystay gobolka Hiiraan oo lagu raad-joogo

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda maamulka degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, Muxumed Cali Maxamuud oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa faah faahin ka bixiyey weerar gaadma ah oo saacadihii la soo dhaafay maleeshiyaad hubeysan ay ka geysteen duleedka waqooyi ee magaaladaasi.

Ugu horreyn guddoomiyaha ayaa sheegay in weerarkaan lagu dilay illaa saddex qof oo beeraley ahaa, islamarkaana ay baxsadeen kooxdii dishay.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay ku raad-joogaan maleeshiyaadkaasi, islamarkaana ciidamada ammaanku ay wadaan baaritaano dheeraad ah.

Inta badan waxaa Hiiraan dhibaatooyin kala duwan ka geysta kooxo qooleysato ah oo jidka u gala dadka shacabka ah ee isaga kala goosha waddooyinka gobolkaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/hhh.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this