Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo eedaymo culus u jeediyay madaxda dowladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Shir weynaha Wada-tashiga Puntland ayaa maanta oo Axad ah ka furmay xarunta jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe.

Shirka waxaa ka qeyb-galaya Golayaasha kala duwan ee Puntland iyo mas’uuliyiinta ku matala heer Federaal, Ururada Bulshada Rayidka ah, Siyaasiyiin, Qurba-joogta, qaar kamid ah isimada Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Shirka waxa si rasmiya u furay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo halkaasi ka jeediyay khudbad uu dhaliilo culus u mariyay madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu ku eedeeyay in ay burburin ku hayaan Nidaamka Federaalismka iyo dowlad goboleedyada dalka.

“Waxyaabaha ugu muhiimsan oo la isku khilaafsan yahay waxaa ka mid ah madaxda Dowladda Federaalka oo si bareer ah u hareer maray mabaadii’dii lagu dhisay dowlada federaalka oo ay ugu horrayso federaalaynta dalka” ayuu yiri madaxweyne Deni.

“Burburinta, faragelinta,afduub iyo caburin sharci darro ah oo lagu hayo arrimaha gaarka ah ee dowladaha xubnaha ka ah waa mid Halis ku ah nidaamdka dalka iyo dadka” ayuu sii raaciyay.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale dowladda Federaalka ku eedeeyay, in ay ku fashilantay arrima ay kamid yihiin dhammaystirka Dastuurka, Sugidda Amniga dalka, la-dagaallanka Argagixisada, dhismaha ciidan Qaran iyo diyaarinta doorasho qof iyo cod ah.

Ugu dambeyntii, madaxweynaha ayaa tilmaamay in Puntland aysan sii daawan Karin hannaanka ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku waddo masiirka dalka iyo dadka, taasi oo sida uu sheegay halis ku ah mustaqbalka waddanka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo eedaymo culus u jeediyay madaxda dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this