Sign in to follow this  
Deeq A.

Senetor Cumar Cabdirashiid oo maanta soo gaaray Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Siyaasiga Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo hore laba jeer Ra’iisul wasaare uga soo noqday Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Ex Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo haatan ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa kamid ah siyaasiyiinta ku casuman Shirka Wada-tashiga Puntland oo maanta ka furmay magaalada Garoowe.

Socdaalka Cumar Cabdirashiid ayaa ah kii labaad oo uu ku yimaado Puntland gaar ahaanna Garoowe tan iyo markii la doortay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Siyaasi Cumar Cabdirashiid ayaa horay Garoowe u yimid 21 December 2019-kii wakhtigaas oo kulamo kala duwan la yeeshay mas’uuliyiinta u sarraysa Puntland iyo xubnaha  bulshada Rayidka ah.

PUNTLAND POST

The post Senetor Cumar Cabdirashiid oo maanta soo gaaray Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this