Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Shirka Wadatashiga Puntland Oo Furmay, Yaa Ku Sugan Garowe?

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa goor dhow magaalada Garowe ee xarunta gobalka Nugaal ka furmay shirka wadatashiga aayaha Puntland kaasi oo horey uu u cilaamiyay madaxweynaha Puntland ee Saciid Cabdulaahi Deni.

Magaalaad Garowe ayaa waxaa ku sugan oo Shirkan ka qeyb galaya madaxda ugu sareysa Puntland, siyaasiyiintii hore ee maamulkaasi, cuqaal , waxgarad, isimmadda iyo madax ka tirsan dowladda federaalka ah oo deegaan doorashadooda ay tahay Puntaland.

Shirkan ayaa waxaa la sheegay in uu socon doono muddo saddex cisho ah, waxaana wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo saxaafadda kula hadlay isla goobta uu sheegay in ajendaha shirkan uu yahay doorka Puntland ee dowladnimada Soomaaliya iyo arrimaha gudaha maamulkaasi.

Dowlad goboleedka Puntland ayaa xiriir aan wanaagsanayn waxa uu kala dhaxeeyaa madaxda ugu sareysa dalka, waxaana maamulka madaxweyne Deni ay horey u laaleen dhowr sharci oo uu saxiixay madaxweyne Farmaajo, sharciyadaasina waxaa ugu muhiimsanaa sharciga doorashooyinka qaranka iyo kan Batroolka.

Waxaana shirkan la filayaa in xoogga lagu saaro sidii dowladda Farmaajo ay ka yeeli lahaayeen maamulka Puntland oo iyadu sheegato in ay tahay hooyada federaalka dalka.

Halkan ka daawo sawirada

p.jpgisimda.jpg n.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this