Deeq A. Posted March 15, 2020 Warar kala duwan ayaa ka soo baxay dil uu xalay askari ka tirsan ciidamada dowladda wade mooto Bajaajle ahaa ugu geystay agagaarka isgoyska Fagax ee M/Muqdisho. Dilka ayaa yimid, kadib markii darwalka mootada uu isku dayey inuu maro goob ay ka socotay olole nadaafadeed, kadibna isaga iyo askariga uu soo kala dhex-galay muran sababay in la rasaaseeyo marxuumka. Qof goobjooge oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in dhaawac ahaan meesha looga qaaday wadaha, balse uu markii dambe geeriyooday. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/ugaaska-1.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites