Sign in to follow this  
Deeq A.

Gabar yar oo si arxan darro ah loogu dilay duleedka Dhuusamareeb & Wararkii ugu dambeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in meydka gabar yar oo 12 jir aheyd lagu arkay deegaanka Bohol oo dhaca duleedka waqooyi, magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolkaasi.

Ciidamada Booliska Galmudug ayaa la sheegay in meydka gabadhaasi yar oo jirkoodu uu ka muuqday jirdil xoogan oo sababay geerideeda ay geeyeen Dhuusamareeb.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen marxuumadda hooyadeed iyo sayigeeda oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen falkaasi, kuwaas oo ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah, islamarkaana wax lag weydiinayo falkaasi.

Illaa iyo hadda si dhab ah looma oga sababta ka dambeysa dilka gabadhaasi yar oo si arxan darro ah loo dilay.

Sidoo kale ma jiro wax faar faahin dheeri ah oo saraakiisha saraakiisha laamaha ammaanka ay ka bixiyeen dilkaasi.

Dhacdadaan oo ay si aad ah ula yaabeen dadka deegaanka ayaa saaka laga hadal hayaa duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this