Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga Oo Saddex Nin Ku Xukumay 125 Sanno Oo Xabsi Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ankara)-Maxkamadda ku taala magaaladda Ankara ee dalka Turkiga ayaa saddex Nin oo dadka tahriibiya ku xukuntay xabsi 125 sanno ah.

Saddex nin oo ciidammada Xeebaha ee Turkigu ay qabteen ayaa loo haystaa dilka wiil yar oo Suuriya u dhashay oo lagu magacabo Alan Kurdi, kaasi oo ku qarqoomay Badda u dhexeeysa Turkiga iyo Giriira Sanadkii 2015.

Wiilka yar oo saddex jir ahaa ayaa maydkiisa oo xeebta yaalla ayaa sawiro laga soo qaaday waxay qabsadeen warbaahinta caalamka, iyagoo soo jiitay indhaha Caalamka dhibaatada haysata qaxootiga Suuriyaan ee dalkooda uga soo cararay colaadda iyo dhibaatada.

Doonidaas oo ay qarqoomeen illaa 12 qof waxaa kaloo dadka dhintay Alan walaalkiisa oo 5 Jir ahaa iyo Hooyadiisa, Waxaa ka badbaaday wiilka aabbihii oo lagu magacaabo Cabdullaahi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this