Deeq A. Posted March 15, 2020 (SLT-Ankara)-Maxkamadda ku taala magaaladda Ankara ee dalka Turkiga ayaa saddex Nin oo dadka tahriibiya ku xukuntay xabsi 125 sanno ah. Saddex nin oo ciidammada Xeebaha ee Turkigu ay qabteen ayaa loo haystaa dilka wiil yar oo Suuriya u dhashay oo lagu magacabo Alan Kurdi, kaasi oo ku qarqoomay Badda u dhexeeysa Turkiga iyo Giriira Sanadkii 2015. Wiilka yar oo saddex jir ahaa ayaa maydkiisa oo xeebta yaalla ayaa sawiro laga soo qaaday waxay qabsadeen warbaahinta caalamka, iyagoo soo jiitay indhaha Caalamka dhibaatada haysata qaxootiga Suuriyaan ee dalkooda uga soo cararay colaadda iyo dhibaatada. Doonidaas oo ay qarqoomeen illaa 12 qof waxaa kaloo dadka dhintay Alan walaalkiisa oo 5 Jir ahaa iyo Hooyadiisa, Waxaa ka badbaaday wiilka aabbihii oo lagu magacaabo Cabdullaahi. Source Share this post Link to post Share on other sites