Sign in to follow this  
Deeq A.

Dab Qabsaday Kaalin Shidaal Oo Ku Taalla Magaalada Burco

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Burco)-Kaalin shidaal oo ku taalla gudaha magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa saaka dab qabsadday.

Mar kaliya ayaa bulshadu waxaa ay ku war heshay uuro iyo qiiq cirka isku shareeray, waxaana bilaabantay gurmadka loogu jiro bakhtiintiisa.


Dabka qabsaday kaalinta ayaa ciidammada dam-damiska, bulshada magalada Burco iyo shaqaalaha kaalintani ay ku dadaalayaan bakhtiinteeda, ilaa hada dabku wuu socda.

90082488_2965279873522084_37355597113453 89519335_2965280023522069_72444256070842

Ilaa hada lama oga sababta dhalisay dabkan qabsaday kaalintan shidaal, ee aan ilaa hadda lagu guuleysan bakhtiinta dabkii ka kacay, sidoo kalena weli lama hayo khasaaraha dhabta ah.

Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Somalilandtoday

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this