Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Wada-tashiga Puntland oo Garoowe ka furmaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka Wada-tashiga Puntland oo uu 7-February ee sannadkaan  iclaamiyay madaxweyne Deni, ayaa maanta oo Axad ah ka furmaya magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Shirka waxaa ka qeyb-galaya Golayaasha kala duwan ee Puntland iyo mas’uuliyiinta ku matala heer Federaal, Ururada Bulshada Rayidka ah, Qurba-joogta, qaar kamid ah isimada Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Shirka oo sida qorshaysan goor dhow furmi doona, ayaan weli la shaacin ajandihiisa rasmiga ah,  marka laga reebo cinwaanka guud, waxaana aad loo xaddiday warbaahinta madaxa-bannaan oo aan loo ogolaan in ay wax ka duubaan hoolka shirkaasi ka dhacayo.

Guddiga qaban-qaabada, ayaa warbaahinta madaxa-bannaan u sheegay in aysan duuban Karin shirka, balse taas beddelkeeda loo ogolyahay warbaahinta dowladda oo keliya in laga qaato hadallada shirkaasi laga yiraahdo.

Go’aankaas ayaa loo arkaa mid lagu faaf-reebayo warbaahinta madaxa-bannaan, si aysan u baahin wax aan dowladdu raalli ka ahayn.

PUNTLAND POST

The post Shirka Wada-tashiga Puntland oo Garoowe ka furmaya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this