Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Yurub oo qoraal xasaasi ah kasoo saaray xiisadda Somalia iyo Kenya, iyo DF iyo dowlad goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa qoraal uu soo saaray walaac uga muujiyey xiisadda ka dhex oogan Soomaaliya iyo Kenya, iyo tan dowladda federaalka iyo dowlad goboleeydada xubnaha ka ah.

“Xiisadda ka taagan xuduudda Soomaaliya iyo Kenya iyo ciidamada isku urursanaya gobolka Gedo waxay abuureen xasilooni darro iyo khasaare nafeed oo gaaray shacabka. Sidoo kale dagaalkii bishii tagtay dhamaadkeeda ka dhacay Galmudug wuxuu abuuray xiisad,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Si guud, xaaladahan waa kuwa halis ah, waxayna weecinayaan kheyraadkii militari ee howl-gallada lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab ee gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, ayaga oo halis gelinaya xasiloonida ay heshay Soomaaliya. Waxay sidoo kale dhaawacayaan xiriirka Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah.”

Midowga Yurub ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin deg deg ah oo lagu qaboojinayo xiisadda.

Ururka reer Yurub ayaa sidoo kale dalbaday wada-shaqeyn buuxda oo dhex-marta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, iyo saaxiibada gobolka.

“Dhammaan dhinacyada ku lugta leh waa inay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo qaboojiyo xiisadda, islamarkaana ay is-xakameeyaan, ayada oo la xushmeynayo madax-banaanida xuduudeeda ee dhinacyada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Midowga Yurub ayaa sheegay inay muhiim tahay xasilooni iyo wada-shaqeyn ku dhex marta Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya xuduudaha ay wadaagaan iyo danaha ka dhaxeeya.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale sheegay in taageerada militari iyo midda dhaqaale ee uu siiyo Soomaaliya ay ka dhigan tahay in la isla xisaabtamo.

“Xaaladda militari ee iminka waxay ku baaqeysa in wada-xaajood deg deg ah laga yeeshto fulinta ahmiyadaha si wadajirka ah la isugu raacay ee siyaasaddda iyo amniga Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Wada-xaajoodkan waa qodob muhiim ah, si loo sii wado xoojinta wada-shaqeynta wax ku oolka ah ee u dhaxeysa dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ee ku dhisan isla xisaabtanka labada dhinac  ah iyo iskaashiga.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this