Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo taageero u raadineysa ka hortaga Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Shir Deg Deg ah oo Ku Saabsan Isku-xirka Hawlaha Ka Diyaar Garowga & Ka Hortagga Cudurka Coronavirus (COVID-19)

Wasaaradda Caafimaadka oo Dawladda Soomaaliya hormuud uga ah hawlaha ka diyaar garowga & ka hortagga cudurka Coronavirus ayaa maanta soo qabanqaabisay shir deg deg ah oo ay isugu yimaadeen Deeq-bixiyayaasha, Hay’adaha Qaramada Midooday, Hay’adaha Caalamiga ah iyo Wasaaradaha ay khusayso arimaha ka diyaar garowga iyo ka hortagga cudurka coronavirus.

Shirkaan ayaa daba socdey cudurka coronavirus ee kusii badanaya caalamka & gaar ahaan xaaladaha kasoo cusboonaaday waddama deriska ah.

Ujeedooyinka shirka ayaa waxaa ka mid ahaa:

1. in Wasaaraddu ka war bixiso dadaallada socda
2. in laga wada hadlo caqabadaha jira iyo sidii loga gudbi lahaa
3. in la xoojiyo sidii loo midayn lahaa dadaallada kala duwan ee socda

Wasiir Fawziya Abikar Nur oo higaaminaysey shirka ayaa uga mahad celisey dhamaan intii ka qayb-qaadatay shaqooyinka wanaagsan ee socda, waxayna ku dhiiri gelisay in la sii laba laabo si loo xaqiijiyo bad-qabka bulshada.

Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 3 people, baby, table and indoorImage may contain: 1 person, sitting and indoor

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this