Deeq A. Posted March 14, 2020 Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil saaka wade mooto Bajaajle ahaa loogu geystay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Dilka oo ka dhacay xaafadda Seybiyaano ee degmadaasi ayaa waxaa la sheegay inuu fuliyey nin ku hubeysnaa bistoolad oo watay gaari nooca raaxada ah. Wararka ayaa sheegaya in dilka uu yimid, kadib markii marxuumka iyo ninka toogashada geystay uu soo kala dhex-galay muran ku saabsan seedka waddada ay isticmaalayeen. Sidoo kale ilo deegaanka ah ayaa Idaacadda Shebelle ee magaalada Muqdisho u sheegay in ninka dilka geystay uu goobta isaga dhaqaaqay falka kadib. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale meesha gaaray, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro faah faahin dheeri ah oo ay dowladda Soomaaliya ka bixisay dhacdadaasi. Inta badan darawallada mootada nooca loo yaqaano Bajaajta oo u badan dhaliyaro ayaa la kulma waxyeelo kala duwan, inta ay ku guda jiraan howlahooda shaqo. View the full article Share this post Link to post Share on other sites