Deeq A. Posted March 14, 2020 Taliyaha ciidanka Booliska Puntland ayaa maanta soo saaray amar ka dhan ah dharka la soo isticmaalay Huudheyda ee la geeyo deegaanada maamulkaasi. Gen. Muxyadiin Axmed Muuse oo ah taliyaha Booliska Puntland ayaa sheegay in yagoo ilaalinayo caafimaadka dadka ay soo rogeen go’aankaasi, si looga hortago Coronavirus. Sidoo kale taliyaha ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanada maamulkaasi inay muujiyaan feejignaan dheeri ah oo ku aadan cudurkaasi. Go’aankaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo kiiskas cusub oo la xariira Coronavirus laga helay wadamada Kenya iyo Itoobiya oo xuduud la leh Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Puntlland.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites