Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo Mamnuucday Dharka La soo Isticmaalo ee Huudhaydhka+waxay qoonsatey

Recommended Posts

Deeq A.   

Puntland oo Mamnuucday Dharka La soo Isticmaalo ee Huudhaydhka

huudheydh.jpg

Taliyaha ciidamada booliiska Puntland Jen Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa amar uu soo saaray wuxuu ku mamnuucay in dalka la keeno dharka la soo isticmaalo ee loo yaqaan Hudhayda.

Taliyaha oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Garoowe waxaa uu sheegay in caafimaad ahaan awgeed inay go’aansadeen in la gubo dharka Hudhayda ah ee dalka la keenayo

” Xanuuno ayaa jira, xuduudadaha kama soo gelin karo dharkaas iyo qalabyada kale ee isticmaalka galay, waana la qabanayaa, waana la gubayaa haddii ay xuduudaha ka soo galaan” ayuu yiri taliye muxiyadiin

Taliyuhu wuxuu ku baraarujiyay dadweynaha inay ilaaliyaan nadaafadooda oo markasta ay dhaqaan gacmahooda.

Dhinaca kale, Talyuhu wuxuu digniin ku bixiyay in la qaban doono gawaarida aan taarikada lahayn ee caasimadda Garoowe ku socda.

Magaaladda Garoowe waxaa ka socota qabanqaabada shirka wadatashiga Puntland oo ay ka qaybgalayaan wufuud kala kala socoto gobolada Puntland, dowladda federaalka iyo Caalamka.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this