Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsade Somaliya oo lagu dilay Cape-town

Recommended Posts

Deeq A.   

Ganacsade Somaliya oo lagu dilay Cape-town

 

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika, ayaa sheegaya in  koox Burcad ah ay  gudaha dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed, oo ka mid ahaa Soomaalida ku ganacsada Koonfur Afrika.

 ganacsade-300x223.png

Kooxda ayaa weerartay muwaadinka , oo lagu Magacaabi jiray Cabdifitaax Cumar Aadan isaga oo ku sugnaa meel aan ka fogeen Goobtiisa Shaqada oo ku taalla tuulla hoostagta Magalada Cape town.

Kooxdii Burcada aheyd ee dilka geystay, ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana dad ku sugan Koonfur Afrika ay sheegeen in meydka muwaadinka Soomaaliyeed mudo kadib goobta laga qaaday.

Dalka Koonfur Afrika sannadihii u dambeeyay waxaa ku sii kordhayay dilalka loo gaysanayo dadka Soomaaliyeed ee ku ganacsada dalkaasi.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this