Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya iyo Uganda oo ka wadahadlay bixista AMISOM

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dalka Itoobiya Sahle-Work Zewde iyo dhiggeeda dalka Uganda Yoweri Museveni oo wadahadallo ku yeeshay magaalada Kampala ayaa ka wada hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen sida uu u soconayo howlgalka ciidamada AMISOM ee gudaha Soomaaliya

Labada madaxweyne ayaa ugu horreyn iska wareystay xaaladda xiriirka labada dal, iskaashiga ka dhexeeya, arrimaha biya xireenka ay isku hayaan dalalka itoobiya, Masar iyo Sudan iyo sidoo kale ciidamada labada dal ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

War-murtiyeed ay soo saareen labada madaxweyne ayaa qeyb ka mid ah waxaa looga hadlay muhiimadda ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka howlgala iyo sida ay dhinaca ammaanka ay uga garab siin karaan dowladda federaalka.

Sidoo kale labada dhinac ayaa isku soo qaaday in ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ay muhiim u yihiin xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya, islamarkaana loo baahan yahay in taageero xoogan ay helaan, si howlgalkooda ay ugu guuleystaan.

AMISOM ayaa 13-sano ka howlgaleysa Soomaaliya, balse waxaa haatan socda qorshe ay sanadka soo aadan 2021-ka uga baxayaan guud ahaan dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this