Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM oo ciidamo cusub u tababartay HirShabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Saraakiil sar sare oo ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ayaa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe tababar ugu soo gabagabeeyey ciidamo hor leh oo ka mid noqonaya kuwa Booliska ee dowlad goboleeedka HirShabelle.

Ciidamadaa cusub ee ka mid noqonaya Booliska maamulkaasi ayaa gaaraya 198 askari, waxaana ay ka howlgali doonaan qeybo ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Munaasabadda tababarka loogu soo xirayey ciidamadaan ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabelle, waxaana ka soo qeyb galay xafladdaasi saraakiil ka tirsan AMISOM iyo mas’uuliyiin ka socotay maamulkaasi.

Wasiirka amniga Hirshabelle Maxamed Cabdiraxmaan Khayre ayaa AMISOM iyo Midowga Yurub uga mahadceliyay sida ay uga qeyb qaadanayaan dhismaha ciidanka Soomaaliya.

Si kastaba ha’ahaatee ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa noqonaya qeybtii sadexaad oo ka mid noqonaya Booliska HirShabelle, kuwaas oo ay tababareen saraakiisha AMISOM.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this