Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo looga dhawaaqay xaalad deg deg ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Waddanka Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo ku saabsan ka hor taga caabuqa halista ah ee Coronavirus.

Madaxwayne Trump ayaa  sheegay in maamulkiisa uu diyaarinayo in ka badan $50 bilyan oo doolar si wax looga qabto .

Gudaha Mareykanka waxaa la xaqiijiyay in caabuqa uu haleelay in ka badan 1,700 oo ruux halka ay u dhinteen 40 ruux.

Dhawr gobol oo Mareykanka ah ayaa goor sii horeesay qaaday talaabooyin ay kaga hor tagayaan xanuunkaas  mamnuucay in la’iskugu yimaado goobaha dadwaynaha.

Talaabadan uu qaaday madaxwaynaha Mareykanka ee xaalada deg dega ah ayaana imaaneeso xilli dhawaanahan lagu eedeenayay in uu ka gaabiyay wax ka qabashada caabuqan saf mareenka ah ee Coronavirus.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo looga dhawaaqay xaalad deg deg ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this