Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor Qoor oo kulan la qaatay saraakiisha amniga Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hay’adaha amniga ee maamulkaasi.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ugu horreyn warbixin looga dhageystay saraakiisha amniga, taas oo ku aadaneyd xaaladda deegaanada Galmudug.

Sidoo kale Qoor Qoor ayaa faray ciidamada ammaanka inay dardar galiyaan howlgallada lagu sugayo amniga iyo qorshaha Al-Shabaab looga saarayo maamulkaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa ku howlanaaa sidii loo xoojin lahaa nabad gelyada gobollada Galgaduud iyo Mudug.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this