Sign in to follow this  
Deeq A.

Amniga dowlad goboleedka Galmudug oo laga shiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Amniga dowlad Goboleedka Galmudug oo xalay Shir ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb ayaa shirkaasi uga arrinsaday Amniga maamulkaasi waxaana shir Guddoomiyay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

shirka Golaha amniga waxaa ka soo qeyb galay dhammaan xubnaha Golaha waxaana laga dhegaystay warbixin ku saabsan  qorshahooda  dhanka amniga.

Shirkaan ayaa waxaa  qaban qaabiyay xafiiska Amniga maamulka Galmudug, waxaana qodobada looga hadlay kamid ahaa dardargelinta siyaasada amniga Galmudug Fulinta qorsha hawleedka guud ee amniga dalka iyo Xoreynta degaanada ay haystaan Al-shabaab.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Saraakiisha Ciidamada faray in ay dardargeliyaan howlaha Amniga magaalada Dhuusamareeb iyo degaanada kale ee Galmudug.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu wadaa in dhawaan ay ka dhacdo Munaasabadda Caleemo-saarka Madaxda Galmudug, waxaan Munaasabadda kasoo qeyb geli doona Madax kala duwan oo ka  socota dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah Madaxda maamul Goboleedyada iyo xubno kale.

PUNTLAND POST

The post Amniga dowlad goboleedka Galmudug oo laga shiray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this