Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya ‘oo ka shirtay qorshe ay dhul ka mid ah Somalia ugu darsaneyso’ dalkeeda

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Isu-duwihii hore ee kooxda kormeerka QM ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya iyo Eritrea (UN Monitoring Group), Jay Bahadur ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Kenya ay mar ku fakartay inay goosato dhul ka mid ah Soomaaliya, oo ay dalkeeda ku darsato.

“Sanadihii tegay muranka badda ee Kenya iyo Soomaaliya, wuu suu xumaaday, wuxuuna horseeday xiisad sare uga sii kacday labada dal, oo gaartay heer mas’uuliyiinta sare ee Kenya ay si dhab ah uga wada hadleen inay ku darsadaan dhul ka mid ah Soomaaliya,” ayuu yiri Bahadur oo wareysi siiyey taleefishinka Jarmalka ee Deutsche Welle (DW).

“Uma maleynayo in dunida maanta ay tahay wax fudud in dhul la goosto ama ay tahay siyaasad macquul ah in la sameeyo, balse waxay tilmaameysaa sida xiisadda labada dal ay halis u tahay,” ayuu yiri Bahadur.

Kenya ayaa waxaa sida shaacsan Soomaaliya ka jooga 4,000 oo askar oo qeyb ka ah howlgalka nabad-ilaalinta ee AMISOM, hase yeeshee sida uu Bahadur sheegay, Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga ciidanka kuwaas laba laab ka badan oo aan AMISOM ahayn. 

Ciidankaas waxay joogaan gobolka Gedo, oo xiisadda ugu dambeysay ay kasoo cusboonaatay iyo gobollada Jubooyinka, oo uu ku yaallo dhul-badeedka ay Kenya sheegatay ee Soomaaliya. 

Jay Bahadur waxa uu sheegay in danaha Kenya ee Soomaaliya ay ka weyn yihiin la-dagaalanka Al-Shabaab iyo dhul badeedka “lagu muransan yahay”.

“Kenya waxay u baahan tahay dekedda Kismaayo iyo inay qeyb ahaan maamusho, waxay u baahan tahay inay awooddo dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, oo ciidamada Kenya ay aad uga faa’iideen,” ayuu yiri Jay Bahadur.

Hadalka Jay Bahadur ayaa imanaya ayada oo horey ay u jireen warar sheegaya in Kenya ay gobolka Jubaland ee Soomaaliya u aragto mid dalkeeda ka tirsan ama ugu yaraan ay taladiisa ka go’do.

Kenya ayaa lahayd maskaxdii lagu aas-aasay maamulka uu hadda hoggaamiyo Axmed Madoobe, April 2013 bilo kadib markii ciidamadeeda iyo kuwa Axmed Madoobe ee Raaskambooni ay Al-Shabaab ka qabsadeen magaalada Kismaayo September 2012.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan Kenya ku eedeysay inay ku xadgudbeyso madax-banaaniada iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya, ayada oo ciidankeeda ay ku kacayaan ficillo ka baxsan waajibaadkooda Amisom.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this