Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya iyo Ethiopia oo laga helay kiisaskii u horreeyay Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Kenya ayaa mamnuucday dhammaan goobaha waa weyn ee bulshada ay isugu yimaadaan kadib markii dalkaas laga xaqiijiyey kiiskii ugu horreeyey ee Coronavirus ah oo laga helay.

Wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa sheegtay in kiiska laga helay haweeneey Kenyan ah oo kasoo laabatay dalka Mareykanka.

Wasiirka caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay, in kasta oo isu-imaatinada dadweynaha la mamnuucay, haddana iskuulada ay sii furnaan doonaan.

Kagwe ayaa sheegay in haweeneyda laga helay cudurka xalay la dhigay xarunta caafimaad ee ugu weyn dowladda ee Kenyatta National Hospital.

Sidoo kale, dowlada Ethiopia ayaa xaqiijisay in bukaankii ugu horeeyay ee dalkaasi laga helay cudurka Coronoviruska sida uu shaaciyay duqa magaalada Addis Ababa Takele Uma Banti.

Duqa Addis Ababa ayaa sheegay in dhammaan la joojiyay isu’ imaatinnada goobaha dadweynaha kadib markii kiiskaas la helay.

Labada dal ee Kenya iyo Ethiopia ayaa xuduud dheer la wadaaga Soomaaliya, waxaana Soomaaliya soo gala alaabo laga keeno labadaasi dal oo uu ku jiro Qaadka.

PUNTLAND POST

The post Kenya iyo Ethiopia oo laga helay kiisaskii u horreeyay Coronavirus appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this