Deeq A. Posted March 13, 2020 Taliyaha Ciidanka Booliiska dowladda Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse, oo warbaahinta kula hadlay Garoowe, ayaa shaaciyay in degaannada Puntland laga mamnuucay dharka loo yaqaan Huudheyda ee horay loo soo isticmaalay. Taliyaha ayaa Laamaha kala duwan ee Booliiska Puntland amar ku siiyay, in ay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo xuduudaha Puntland soo gelisa dharka Huudheyda ah, islamarkaana ay gubaan haddii dharkaas ay gacanta ku dhigaan. Gen. Muxiyadiin ayaa xusay in go’aankaasi loo qaatay, si loo ilaaliyo caafimaadka bulshada Puntland, maadaaa dharka Hudheyda laga keeno dalalka debadda, xilli uu dunida ku sii faafayo cudurka CoronaVirus. Dhinaca kale, Taliyaha ayaa tilmaamay in ay tallaabo sharciya ka qaadi doonaan gaadiidka aan Taarikada lahayn, isagoo xusay in aan mas’uul dowladeed iyo qof shacab ah midna loo ogolayn, in ay gaadiid bilaa Taariko ah wataan. Taliye Muxiyaddiin, ayaa sidoo kale digniin adag u diray dhalinyarada kaamirooyinka wax ku duuba ee aan ka diiwaan-geshanayn xarumaha Warbaahinta iyo wasaaradda Warfaafinta Puntland. Wuxuu sheegay in dhalinyarada noocaas ah ay inta badan soo duubaan muuqaallo qaldan oo wax u dhimaya nabadda iyo xasiloonida Puntland, iyagoo baraha bulshada u adeegsada muuqaalladaasi. Sidoo kale, wuxuu ku hanjabay in ay sharciga marin doonaan cid kasta oo muuqaallo qaldan iyo warar been-abuur ah ka gudbisa Puntland. Hoos ka daawo muqaalka Gen. Muxiyadiin #GAROOWE: Taliyaha Booliiska Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse oo warbaahinta la hadlay ayaa awaamiir culus soo saarayPosted by Puntland Post on Friday, March 13, 2020 PUNTLAND POST The post Puntland oo awaamiir soo saartay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites