Sign in to follow this  
Deeq A.

Sare-u-kac ku yimid qiimaha kaluunka ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Kororka ka jira qiimaha la kala siisto kaluunka noocyadiisa kala duwan ayaa jilaabatada iyo ganacsatada iibisa ay ku micneeyeen xiligi dabaylaha oo ay tilmaameen in doomaha yaryarka aysan gudaha u gali Karin badda taasi oo hoos u dhigtay in kaluun farabadan la keeno suuqyada lagu iibiyo ee magaaladda Muqdisho.

Qiimaha haatan la kala siisto kaluunka noocyadiisa kala duwan ayaa u dhexeeya todoba doolar ilaa saddex Doolar, taasi oo ka duwan qiimaha caadiga ah ee la kala siisan jiray kaluunka xiliga qiimihiisu uu hooseeyo, taasi oo keentay in uu aad u yaraato dadka iyagu iibsada kaluunka.

Jelaabatada iyo dadka kale ee ka ganacsada kaluunka ayaa Shabeelle u sheegay in ay wajahayaan caqabado la xiriira doomaha yar-yar oo ay isticmaalaan iyagoo tilmaamay in hadii ay heysan-lahaayeen doomo waaweeyn oo casri ah kuwaasi oo u babac-dhigi kara dabaylaha ay xaaladu ka duwanaan lahayd sidda ay haatan tahay maadaama qiimaha kaluunka uu ku xiranyahay hadba sidda badda looga soo saaro suuqyadana loo keeno.

Sidoo kale, dadka ka iibsada kaluunka meelaha lagu iibiyo oo uu kamid yahay kawaanka malaayga degmada Xamar-weyne ayaa Shabeele u sheegay in qudhoodu saameyn uu ku yeeshay qiima kaca kaluunka ku yimid maadaama qiima sareeya ay ku iibsanayaan

Mid kamid ah tiirarka ganacsi uu dalkeenu leeyahay ayaa waxaa kamid ah ka ganacsiga kaluunka oo kamid ah waxyaabaha lagasoo saaro badda iyadoo kaluumaysatada ku howlan wax soo-saarkaasi aalaba ay dalbadaan in laga taagayaro helida qalab ka saacideenaya in ay wajahaan xaalad kasta si ay sarda ugu qaadaan kaluumeeysigooda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this