Sign in to follow this  
Deeq A.

BFS oo eedeyn culus u jeediyey dowlada Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mas’uuliyadda qalalaasaha gobolka Gedo wuxuu ku eedeeyay dowladda Kenya.

Maxamed Cumar Dalxa, oo ka tirsan Golaha Shacabka, ayaa “ugu caqli-celiyey” Kenya in ay ka baaqsato qorsheeda Jubaland.

Sidda uu ka dhawaajiyey Dalxa, hadii Kenya joojin weydo arrimahaas baarlamaanka wuxuu diyaarin doonaa mooshin ka dhan ah dalkaas.

Dalxa, oo u waramay barnaamijka Dooda Jimcaha ee idaacada Shabelle, ayaa tibaaxa in aysan ogolaan doonin xadgudub Kenya.

Hadalka mudanaha ayaa kusoo aadaya iyaddoo qorshuhu yahay in madaxweyne Farmaajo uu dhowaan booqasho ku tago magaalada Nairobi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this