Sign in to follow this  
Deeq A.

Kiiskii ugu horeeyey ee Corona Virus oo laga helay Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horeeyey ee cudurka halista ah ee Coronavirus oo laga helay dalkeeda.

Xoghayaha Golaha Wasiirada Kenya Mutahi Kagwe ayaa Maanta oo Jimco ah xaqiijiyey in qofka laga helay cudurkaan uu yahay nin u dhashay dalka Kenya oo ka imaaday Mareykanka soona maray Ingiriiska.

Xoghayaha ayaa sheegay in qofka laga helay uu yahay qof dumar ah taasoo la sheegay in xaaladeeda ay hadda wanaagsan tahay ayna awoodo cunista raashinta.

Wuxuu sheegay inaan weli isbitaalka laga soo saarin qofkaas, isla markaasna baaritaan lagu ogaaday inay qabto cudurkaas, waxayna ku jirtaa Isbitaalka guud ee Cudurada ay leedahay Kenya.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay baadi goob ugu jirto dhammaan dadkii ay haweeneydaan la kulantay tan iyo markii dalka kusoo noqotay.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay joojisay dhammaan duulimaadyadii debadda uga imaanayey illaa kuwa laga maarmi waayo maahane.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this