Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya Oo Laga Helay Kiiskii Ugu Horreeyay Ee Cudurka Corona.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka caafimaadka ee dalka Kenya, Mutahi Kagwe, ayaa goor dhaweyd shaaciyay in qof qaba xanuunka Corona laga helay dalkiisa.

Haweeneyda cudurka lagu arkay ayaa la sheegay inay ka timid Maraykanka, soona martay London.

Wasiirka ayaa sheegay in haweeneyda ay hadda xaaladeeda caafimaad wanaagsan tahay, laguna sii heyn doono cisbitaalka ilaa iyo inta ay ka caafimaadeyso.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay dabagal ku samayn doonto dhammaan dadkii la kulmay haweeneydaasi tan iyo markii ay soo laabatay

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this