Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland iyo maleeyshiyaad oo dagaalamay

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (SMN) – Iska hor-imaad sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca 2 kale ayaa dhexmaray ciidamada Ilaalada Puntland ee halka loo qorsheeyey in laga dhiso madaarka magaalada Gaalkacyo iyo dabley hubeysan.

Maleeyshiyaadka ayaa la xusay in ay sheeganayeen lahaanshaha qeyb kamid ah dhulka la doonayo in laga dhiso garoon diyaaradeed.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan falkaan oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka mas’uuliyiinta waqoyga xarunta gobolka Mudug.

Wallow ay koonfur iyo waqooyi kala joogaan, Gaalkacyo waxaa isla maamula Puntland iyo Galmudug, oo colaad ay dhowr jeer dhexmartay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this