Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaaraha Canada oo isaga & Xaaskiisu karantiin galeen markii  laga helay Calaamadaha Caabuqa Coronavirus 

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Canada oo isaga & Xaaskiisu karantiin galeen markii  laga helay Calaamadaha Caabuqa Coronavirus

 justin.jpg

Ra’iisul Wasaaraha Justin Trudeau ayaa karantiil u galay cabsida ku aaddan Caabuqa Corona awgeed, sida uu xafiiskiisa xaqiijiyay.

Xaaskiisa, Sophie Gregoire-Trudeau, ayaa galinkii dambe ee Arbacadii lagu arkay qaar ka mid ah calaamadaha cudurka, kaddib markii ay ka hadashay xaflad meher ah oo ka dhacday UK.

Waxaa lagu sameeyay baaritaan ku aaddan caabuqa, iyada iyo Ra’iisul Wasaarahana waxay isku soo xireen gurigooda, iyagoo sugaya ilaa inta ay natiijada baaritaanka kasoo baxeyso.

Mr Trudeau wali laguma arkin wax calaamado ah oo muujinaya xanuunka.

Dhakhtarkiisa ayaa kula taliyay inuu howl maalmeedkiisa iska wato laakiin uu si gaar ah ula socdo xaaladdiisa caafimaad.

Hase ahaatee si wax walba loo hubiyo, wuxuu kasoo shaqeynayaa gurigiisa, sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Mr Trudeau ayaa la qorsheynayay inuu ka qeyb galo kulamo labada maalmood ee soo socota ka dhici lahaa magaalada Ottawa.

Dhammaan shirarkaas oo uu Ra’iisul Wasaaraha kula kulmi lahaa madaxda gobollada ayaa hadda la baajiyay.

Mr Trudeau wuxuu hadda mas’uuliyiinta shirarkaas uu ku arki lahaa kula sheekeysan doona khadka telefoonka.

Mowduuca ugu weyn ee uu kala hadli doono waa sida ay Canada uga jawaabeyso go’aanka ay Hay’adda Caafimaadka Adduunka cudurkan ugu tilmaantay mid saf-mar ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this