Deeq A. Posted March 12, 2020 (SLT-Hargeysa)- Qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodi-jeex, ayaa lagu sameeyey isku shaandhayn lagu dardargelinayo hawlaha xisbiga. Wareegto uu soo saaray Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE, ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac maanta (12 March 2020), ayaa lagu shaaciyey xil-ka-qaadis, isku beddel iyo magacaabis cusub oo lagu sameeyey qaar ka mid ah masuuliyiinta laamaha kala duwan ee xisbiga ee Gobolka. Wareegtadaasina waxay u qornayd sidan: “Ku: Cabdirisaaq Koosaar Maxamuud Timiro Ku: Sacda Cabdi Xasan Ku: Cabdicasiis Maxamed Yuusuf Ku: Axmed Yoonis Juxa Ku: khadar Sh. Ibraahim Dugsiiye Og: Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Og: Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad, 2aad, 3aad, 4aad ee xisbiga KULMIYE Og: Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Ujeeddo: Magcaabid, isku-Badel iyo Xil ka Qaadis Mudanayaal; Sida aad la socotaan, xilka xisbiga ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen ee kala ahaa: Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Heer Gobol Xoghayaha Dhallinyarada Heer Gobol Madaxa Abaabulka iyo Wacyigelinta Gobolka Guddoomiyaha Degmada Gacan-libaax Guddoomiyaha Degmada Ibraahin Koodbuur Magcaabid; Markaan arkay muhiimadda dhismaha maamulka Degmooyinka iyo Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE u leeyahay hawlaha iyo habsami-u-socodka abaabulka xisbiga, Markaan ku qancay kartidooda, aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda, Waxaan go’aamiyey laga bilaabo taariikhda maanta in aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: Axmed Maxamed X. Cali Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada heer Gobol Maxamed Cabdi Yuusuf Xoghayaha Garabka Dhallinyarada heer Gobol Mubaarik Cabdillaahi Haybe Madaxa Abaabulka iyo wacyigelinta Gobolka Maxamed Abiib Siikaawi Guddoomiyaha Degmada Ibraahim Koodbuur Muxiyodiin Cabdi Shiil Guddoomiyaha Degmada 26ka juun. ALLAA MAHAD LEH Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE, ahna Kusimaha Guddoomiyaha. Source Share this post Link to post Share on other sites