Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay iska hor-imaad ka dhacay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
Dhulka-garoonka-cusub-ee-gaalkacyo.jpg?wDhulka garoonka Gaalkacyo loo asteeyay

Hal ruux  ayaa ku dhintay laba kalena waa ku dhaawacmeen iska hor-imaad kooban oo duhurnimadii maanta ka dhacay duleedka Waqooyi Bari ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Goob-joogayaal ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in iska hor-imaadkaasi dhexmaray ciidamo ilaalo ka ahaa dhulka loo asteeyay in laga dhiso garoonka cusub ee diyaaradaha Gaalkacyo iyo dad hubaysan oo sheeganaya in ay dhulkaasi leeyihiin.

Qofka dhintay labada dhaawacmay ayaa dhammaantood ka tirsanaa dadka sheeganaya in ay dhulkaas leeyihiin waxaana dhaawaca la geeyay isbitaalka dhanka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo.

Dadkii hubaysanaa ee sheeganayay dhulka loo asteeyay garoonka diyaaradaha ayaa markii dambe halkaas laga cayriyay waxaana hadda gacanta ku haya ciidankii ilaalada ahaa ee horay u joogay.

PUNTLAND POST

The post Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay iska hor-imaad ka dhacay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this