Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda Soomaaliya iyo Kenya oo codsi loo diray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – C/raxmaan Yuusuf Taraabi, oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaaliyeed, ayaa aad u soo dhaweeyay wadahadalada dowladda Somaaliya iyo Kenya ee ku aadan xiisadaha kasoo cusboonaaday xadka labada dal.

Taraabi ayaa sheegay in ay tahay talaabo aad u wanaagsan oo loo qaaday dhanka dib-u-umaasiyada kulanka la filayo iney dhawaan iney yeeshaan madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamad C/laahi Farmaajo, iyo Uhuru Kenyatta, hogaamiyaha waddanka Kenya.

Madaxweyne Farmaajo ayuu si gaar ah ugu amaanay kaalinta uu ka qaatay wada hadalaaasi maadaama uu khadka talefanka uu goor sii horeesay ku hakiyey xasaradaha cirka isku sii shareeray.

Wasiirka arimaha dibada Somaaliya, Axmad Ciise Cawad, ayaa tibaaxay in dhawaan la filayo inuu wada hadalo toos ah ay yeeshaan labada madaxwayne taasi oo lagu soo ajarayo xiisadaha ka dhax aloolsan Soomaaliya iyo Kenya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this