Deeq A. Posted March 12, 2020 Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa waxa ay maanta xukun dil ah ku ridday Maxamed Cali Maxamed oo loo heysto in uu dilay mid ka mid ah ilaalada deegaanka Xamar. Xukunsanahaan ayaa sidoo kale waxaa lagu edeeyay in uu ka tirsanaa dagaalyahanada ururka Daacish, waxaana eedeyntaasi u soo jeediyay xafiiska xeer ilaalinta. Guddoomiyaha Maxkamadda Daajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay Xukunka dilka ah ee lagu riday Maxamed Cali Maxamed. Xukunsanaha ayaa heysta fursad uu racfaan ku qaadan karo muddo 30 cisho ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites