Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashadda oo Leexsaday 400,000$ Oo Lagu Horumarinayay Waxbarashadda Reer-guuraaga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland Axmed Abokor Maxamed ayaa leexsaday lacag dhan $400,000 oo lagu horumarinayay Waxbarashada Reer-guuraaga.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashadda ayaa lacagtan marsaday NGO uu gaar u leeyahay, kaasoo uu siiyay mashruuc lagu horumarinayay waxbarashada xaaladaha degdega ah (Education Emergency).

Mashruucan oo ay fulintiisa qaadatay haayada UNICEF, isla markaasna laga maal-galinayay sanduuqa waxbarashada ee Education Cannot Wait ayaa haayada UNICEF iyadoo kaashanaysa Agaasimahan qandaraas hoosaad sii siisay ururka SOYCA ee uu Agaasimuhu leeyahay, iyadoo loo siiyay inuu mashruucan ka fuliyo gobollada Saaxil, Gabilay iyo Maroodi-jeex.

Axmed-Abokor.png

Mashruucan ayaa waxa ku baxaysa $6.7M, waxaanay bishii la soo dhaafay ay haayada UNICEF u shubtay ururka SOYCA ee Agaasime Axmed Abokor fayskii koowaad ee kharashka fulinta mashruuca oo dhan $400,000.

Ururka SOYCA oo xaruntiisa guud ay tahay magaalada Berbera, ayaa waxa aasaasay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashadda, waxaana hada maamulka ururka u haysa walaashii Khadra Abokor.

Maaha markii ugu horaysay ee Axmed Abokor ururkiisa SOYCA u sameeyo eex, gacal-miis iyo musuq-maasuq, hase yeeshee sanadihii 2006 ilaa 2012 oo uu Agaasimuhu madax ka ahaa mashruuca waxbarashada ee haayada Save the Children ayuu sidan oo kale musuq-maasuq sameeyay, isagoo gaar u naas-nuujiyay, qandaraasyana siiyay ururkiisa Soyca, taasoo sababtay in aakhirkii ay haayada Save the Children Axmed Abokor shaqadii uga erido arintan iyo musuq-maasuqyo kaloo uu sameeyay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo hore ugu ololeeyay in uu musuqa la dagaalamayo ayaan la garanayn talaabada uu ka qaadi doono, maadaama aanay talaabadan musuq-maasuq ahayn tii koowaad ee uu Axmed Abokor sameeyo mudadii uu Wasaarada Waxbarashadda joogay, bal se ay ka mid noqonayso musuqa aan joogsiga lahayn ee uu mudadaasba ku boobayay hantida umada Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this