Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo mar kale weeraray saldhiga ciidamada dowladda ee Awdheegle

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya halkaas uu ka dhacay dagaal khasaaro kala duwan geystay oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo dagaallamayaasha ka tirsan Alshabaab.

Dagaalkaas ayaa bilowday  kadib markii dagaal-yahanno ka tirsan  Alshabaab la sheegay in ay weerar Madaafiic ah ay ku qaadeen degmada Awdheegle saldhig ay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya

Dadka degaanka ayaa ku soo warramaya in dagaalkas uu socday wakhti kooban la isuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,islamarkaana aysan ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Saraakiisha ciidamada Militariga dowladda Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarkaas balse kama aysan hadlin khasaaraha ka dhashay.

Alshabaab ayaa sidaan oo  kale dhowr jeer weeraro ugu qaaday saldhigyada ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo mar kale weeraray saldhiga ciidamada dowladda ee Awdheegle appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this