Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo booqday xaaska iyo mataanaha loo dhalay shahiid Cabdinaasir Cabdulle

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cisbitaalka Yardimeli ee magaalada Muqdisho ku booqday qoyska uu ka tagay – Allah ha u naxariistee – Shahiid Cabdinaasir Cabdulle Gacal oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo dul istaagay xaaladda caafimaad ee labo wiil oo mataanaha ah oo cisbitaalkan ay ku dhashay marwada marxuumka ayaa sheegay in dowladdu ay dammaanad qaadeyso nolosha ubadkan, maadaama Aabahood uu u shahiiday dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Alle ha u naxariistee marxuum Cabdinaasir Gacal waxa uu naftiisa u hibeeyay difaaca dalkiisa iyo dadkiisa, isagoo xirfaddiisa wariyenimo la garab taagnaa halyeeyada kale ee Ciidamada Qalabka Sida ee safka hore kaga jira furimaha dagaalka”.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in marxuumku nolosha caadiga ah ee dhiggiisa wariyeyaasha ka howl-gala gudaha dalka uu ka doorbiday in uu qalabkiisa iyo aqoontiisa geliyey sidii uu kaalin uga qaadan lahaa dib u xoreynta dalka, isaga oo muraayad u noqday guulaha geesiyaasheenna Ciidanka Qalabka Sida ay ka soo hoynayeen argagixisada Alshabaab.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa booqday qaar ka mid ah bukaannada ku jira cusbitaalka Yardimeli, waxa uuna warbixinno ku saabsan xaaladdooda caafimaad ka dhageystay dhakhaatiirta dabiibeysa iyo Agaasimaha cusbitaalka Mudane Ibraahim Maxamed Xasan.

89722617_2826257444125382_83648340589365 89878626_2826257967458663_76457781847927 89647304_2826257420792051_56705078518905 90004794_2826257870792006_18528826671172 89918800_2826257430792050_89346197148024 89665967_2826257917458668_62550283551380 89629643_2826258087458651_78577774999403 89605568_2826258154125311_75079938171658 89638641_2826258204125306_21984108877048 Yardimeli.jpg 89721986_2826258374125289_55013281580932 89716187_2826258447458615_32541052806019 89619609_2826258684125258_17031027908400 89731561_2826258490791944_32799067640566 89712852_2826258554125271_29669252429974

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this