Sign in to follow this  
Deeq A.

9 qof oo ‘shacab Soomaali ah” oo lagu laayey duqeyn uu fuliyey Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay shalay galab ka dhacday deegaanka Ugunji oo hoos taga degmada Jannaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dad shacab ah ayaa sheegay in diyaaradaha Mareykanka ay duqeyntaas la beegsadeen gaari Home ah oo ay la socdeen sagaal qof oo shacab ahaa, sida ay sheegeen ehelladooda oo la hadlay warbaahinta.

Liibaan Aadan Barre oo ay walaalo ahaayeen darwalka weday gaariga la duqeeyey ayaa isaga oo u waramaya Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho waxa uu sheegay in dadkaasi ay kasoo bexeen degmada Jannaale, isla markaana ay kusoo jeedeen magaalada Muqdisho.

Liibaan ayaa sheegay in gabi ahaanba sagaalkii ruux ee la socday gaarigaas ay ku geeriyoodeen duqeynta, isla markaana hilbahooda ay kasoo aruuriyeen goobta duqeynta lagula beegsaday.

Taliska Mareykanka ee AFRICOM iyo dowladda Soomaaliya oo war kasoo saaray duqeyntaas waxa ay sheegeen in lagu dilay shan ruux oo Shabaab ah, isla markaana aysan waxba gaarsiin dad rayid ah.

Liibaan Aadan Barre oo ay walaalo yihiin darawalkii weday gaariga la duqeeyey ayaa sheegay in walaalkiis uu ku shaqeynsan jiray gaarigaas Caasiga ah oo iskaga kala gooshi jiray Muqdisho iyo gobolka Shabeellada Hoose.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu ka diiwaan gashanaa macluumaadkiisana laga helaayo Controlka ee ciidamada dowladdu ay ku leeyihiin deegaanka Siinka-dheer ee duleedka Muqdisho, halkaas oo ay ka diiwaan gashanyihiin dhamaan gaadiidleyda ka shaqeysa gobolka Shabeellada Hoose.

Halkan ka dhageyso wareysiga

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/03/Liibaan-Aadan-Barre-walaalka-darwalka-.mp3

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this