Deeq A. Posted March 11, 2020 Nairobi (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo wadahadallo labo geesood ah kula yeeshay Nairobi dhiggiisa Kenya Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa maanta wadahadal kula yeeshay Nairobi dhiggiisa dalka Kenya, Marwo Raychelle Omamo. Waxay labada Wasiir ka wadahadleen sidii loo yarayn lahaa wixii khilaaf ah ee jira, loona sii xoojin lahaa xiriirka labada dal. Kulankan ayaa daba socda wadahadal ay labada Madaxweyne khadka telefoonka ku yeesheen 5-tii bishan Maarso 2020-ka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites