Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo la kulmay safiirka Midawga Yurub

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Midawga Yurub ayaa Muqdisho ku yeeshay kulan looga hadlay horumarinta Dhaqaalaha, Deyn cafinta sida dib-u-habeynta ciidamadu ay uga qayb qaadatay horimarinta amniga iyo nabad-gelyada iyo xoreynta iyo xasilinta deegaannada argagaxisadu ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay kulanka oo qay ka qayb galeen wasiirrada xukuumadda qaar kamid ah safiirrada midawga Yurub ee Muqdisho ku sugan oo uu hoggaaminayay safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya, Nicolas Berlanga.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa qayb ka ahaa shirarka joogtada ah ee looga hadlo horumarinta wadashaqeynta ka dhexeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo Midawga Yurub.

1.jpg?resize=525%2C350&ssl=1 3-1.jpg?resize=525%2C350&ssl=1 4-1.jpg?resize=525%2C350&ssl=1

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this